Guddoomiyaha Aqalka Sare oo qaadacay Guddiga doorashooyinka (Akhriso)

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayaa ka horyimid Guddiga Doorashooyinka ee uu Ra’iisul Wasaaraha u soo magacaabay Maamulka Doorashada Xildhibaannada Gobolada Waqooyi.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa sheegay xubnaha la soo xulay aanay dhex dhexaad aheyn oo aan lagu kalsoonaan karin, lana garaneyn meelaha laga keenay, inta la gartayna ay ka tirsan yihiin Shaqaalaha Madaxtooyada, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo NISA.