Hot Topics

Doon sida Qaxooti Yemeniyoon ah oo soo gaartay Dekedda Boosaaso (Sawirro)

Doon sida 49 Qoys oo qoxooti Yemeniyiin ah kana soo cararay colaada Dalka Yemen ayaa galinkii dambe ee maanta soo gaartay Dekedda Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland ayaa kusoo dhowaysay Dekedda Boosaaso Qaxootigan, iyagoona loo sii gudbiyey Xerada Qaabilaadda Qaxootiga ee Magaalada Boosaaso.