Shir u dhexeeyay DFS, Puntland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo soo gaba-gaboobay (VIDEO)

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Dowladda Puntland Marwo Seynab Ismaaciil Maxamed, ayaa maanta soo xirtay Shir looga hadlayay xaalada Deegaanka Soomaaliya oo labadii cisho ee lasoo dhaafay ka socday magaalada Garoowe Caasimadda Puntland.

Shirka oo intii uu socday si gaar ah diirada loogu saaray sidii looga faa’ideysan lahaa khibradda Puntland ay u lee dahay Mashruuca Biyoole oo ah mid ka shaqeeya awoodsiinta xoolalayda iyo beeralayda, ayaa waxaa kasoo qeybgalay Masuuliyiinta ka socota Wasaaradaha Beeraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Galmudug iyo Koonfur Galbeed.