Hot Topics

Dad ku dhintay shil gaari oo ka dhacay Gobalka Karkaar (Sawirro)

nta la xaqiijiyay 2 ruux ayaa ku geeryooday, tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen, kaddib shil gaari oo ka dhacay Deegaanka Shire ee Gobalka Karkaar.

Shilkan gaari ayaa yimid kaddib markii ay isku dhaceen 5 gaari oo isugu jira Gaadiidka xamuulka qaada iyo yaryar, xilli ay marayeen Deegaanka Shire oo ku yaalla Wadada xariirisa magaalooyinka Garoowe iyo Qardho.

Maamulka Gobolka Kar kaar oo gaaray goobta shilku uu ka dhacay, ayaa bilaabay kala gurista Gaadiidka isku dhacay iyo samata bixinta Dadka saarnaa.