Maxaa kasoo baxay kulankii QoorQoor & Musharixiinta Hawiye ?

Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa kulan saacado badan socday oo illaa xalay xilli dambe la isla gaaray oo ka dhacay hoyiga Muqdisho uu ka degan yahay Madaxweynihii hore ee DFS Xasan Sheekh Maxamuud waxay la qaateen Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.

Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay Musharaxiinta Madaxweynaha ee ka soo jeeda Galmudug, sida Madaxweynihii hore Soomaaliya Xasan Sheekh, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, Madaxweynihii hore Galmudug C/kariin Guuleed, Daahir Geelle, C/raxmaan C/shakuur iyo Mustaf Dhuxulow.

Musharaxiinta ayaa mid mid ula wadaagay dareenkooda iyo walaaca ay ka qabaan doorashada, waxaana Musharax walba uu u jeedinayay Qoorqoor inuu dib ugu noqdo Guddigii uu soo magacaabay oo ay ka dhex muuqdaan xubno dowladda soo qoratay Nabadsugid iyo shaqaale dowladeed

Intaas kaddib Madaxweyne Qoorqoor ayaa is difaacay, wuxuu ku dooday in maamulada kale ay soo qorteen rag xafiisyadooda ka shaqeeya, waxa isaga gooni ka dhigay, waxaa uu ka dalbaday inay isaga aaminaan oo go’aanka ugu dambeeya uu leeyahay.

Dood dheer kaddib Madaxweyne Qoorqoor ayaa dalbaday in fursad la siiyo, oo uu dib ugu noqdo Madaxda dowladda, waxaana uu ku casuumay Musharaxiinta Madaxweynaha inuu hoygiisa casho ugu sameyn doono.