Hot Topics

XOG: Deni oo ku dhawaaqaya inuu yahay musharax Madaxweynaha DFS

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa lagu wadaa inuu dhowaan shaaciyo inuu yahay Musharax u taagan Doorashada Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sida laga soo xigtay dad ka agdhow Madaxweyne Deni ayaa go’aansaday inuu ka qeyb-gallo loolan doorashada 2020 – 2021, kaddib la tashiyo badan iyo soo jeedin uu ka helin Siyaasiyiin iyo saaxiibo dhow.

Sidoo kale, Madaxweynaha Puntland ayaa la sheegay inuu taageero fariimo badan ka helay qaar kamid ah Madaxda DFS iyo Dowladaha xubnaha ka ah, Isimo, Waxgaradka iyo Bulsho fara badan oo ay kamid yihiin Qurbajoogta Soomaaliyeed, kuwaas oo u soo jeediyay inuu soo istaago fagaaraha doorashada, iyagoona u ballanqaaday inay garab istaagi doonaan.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni,ayaa kamid ahaa musharixiintii doorashadii Madaxweynah ee 2017, waxaana uu ahaa qofkii 5-aad ee helay cododka ugu badan, waxaana lagu tilmaamaa Hoggaamiye aragti fog, aysana qarsoomin saameyntiisu.