Hot Topics

Ciidanka Puntland oo howlgallo ka wada buuraleyda Gobalka Bari (VIDEO)

Ciidammada Amniga Dowladda Puntland ayaa howlgallo ka dhan ah kooxaha ka ganacsada jarista dhirta ka sameeyay deegaano hoostaga Degmada Isku-shuban ee Gobalka Bari.

Ciidanka oo ka koobnaa Ciidammada Booliska Bari iyo Madaxtooyadda Puntland, uuna hoggaaminayay Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari ayaa lagu burburiyay goobo lagu gubo dhuxusha, kuwaas oo dhan illaa 9 Goobood.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali, ayaa sheegay in howlgalkaas ay Ciidanku ku guuleysteen dhamaantood, isagoona uga digay Dadka ku Howlan jarista dhirta, waxaana ugu baaqay inay ka waantoobaan inta aan gacanta lagu dhigin, lana horkeenin Cadaaladda.