Xildhibaano ugu baaqay Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland inuu is-casilo (VIDEO)

Qaar kamid ah Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland oo Shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Garoowe ayaa ku eedeeyay Guddoomiyaha Golaha Cabdirashiid Yuusuf Jibriil inuu afduubay habsami u socodka xarunta Golaha Wakiillada Puntland, isla markaana uu mudanayaasha Barlamaanka u adeegsaday ciidankiisa gaarka ah si uu ugu caburiyo.

Sidoo kale, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland ayaa sheegay in Guddoomiye C/rashiid uu kala qeybiyay Xildhibaanada Golaha, iygoona ugu baaqay inuu is-casilo.

Ugu dambeyntii, Xildhibaanada ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni inuu soo faragasho Arrimaha Baarlamaanka, sidoo kalena wax ka qabto Amniga xarunta Golaha Wakiillada Puntland.