Hot Topics

Madaxweyne Axmed oo qaabilay Khayre iyo Xasan Shiikh

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa caawa booqasho ugu tagay Madaxweynahii hore ee Dowlada Federaalka ah Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaarahii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre.

Madaxweynaha ayaa Masuuliyiintan kulanka uu la yeeshay waxaa uu ku saabsanaa Xaalada dalka uu marayo xiligan kala guurka ah iyo sidii looga wada shaqayn lahaa Doorashooyin loo dhan yahay oo la isku raacsan yahay xor iyo Xalaalna ah inay dalka ka dhacaan taas oo kamid ah himilooyinka Shacabka Soomaaliyeed ay ka sugayaan hogaamiyayaasha dalka.