Hot Topics

Qoorqoor oo iska diiday inuu raaco Diyaarad ay Villa Somalia u dirtay.

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor, ayaa iska diiday inuu raaco diyaarad ay u soo dirtay Villa Soomaaliya, kaddib markii ay caga dhigatay Garoonka diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb.

Lama oga sababta Madaxweyne QoorQoor oo waday dhow la ahaa Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo, uu u diiday inuu raaco diyaarada Villa Somalia u soo diray.

Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa wajahaya waji gabax Siyaasadeed kaddib markii ay Puntland iyo Jubbaland iyo Dowlad Gobaleedyadii u dhowaa qaarkood ka gaabsadeen inay si dhow u aqbalaan Shirkii u baaqay xalay.