Hot Topics

Suuqyada magaalqda Boosaaso oo wax lagu kala iibsanayo Lacagta Sh. Soomaaliga ah (Sawirro)

Dowladda Hoose ee Degmada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa shaacisay inay si wanaagsan uga socoto Suuqyada Boosaaso lacagta Shilinka Soomaaliga ah, oo dhowaan laga diiday deegaanada Puntland.

Dowladda Hoose ee Boosaaso oo Sawirro ku baahisay barteeda Facebook ayaa tilmaamtay in Suuqyada Khadaarta ee Magaalada si wanaagsan wax loogu kala iibsanayo Lacagta Shilinka Soomaaliga ah.

Dowladda Puntland ayaa dadaal ugu jirtay muddooyinkii ugu dambeeyay Xalinta qiimo dhaca ku yimid Lacagta Shilinka Soomaaliga, waxaana ay u saartay Guddi uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Senator Cabdiraxmaan Faroole, kuwaas oo go’aano soo saaray.