Ilhan Omar oo mooshin cunaqabateyn ah ka gudbisay Sacuudiga

Xildhibaan Ihaan Cumar oo kamid ah Koongareeska Mareykanka ayaa waxaa la sheegay in Baarlamaanka Mareykanka ay u gudbisay mooshin ka dhan ah Amiirka Sacuudiga.

Mooshinka oo ku aadan in cunaqabateyn la saaro Amiirka Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa ka dambeeyay ,kadib Markii  (CIA) Mareykanka xaqiijiyeen in Aniirka Sacuudiga uu lahaa amarka dilka & hilbajarjarka Wariye Khashooji.

Amiirka Sacuudiga ayaa dhankiisa beeniyay eeda loo soo jeediyay ee ah in uu bixiyay Amarka lagu dilay Wariye Jamaal Kaashuqji oo dilkiisa baaris kala duwan soo maray.