Hot Topics

11 qof oo u geeriyooday abaaro ka jira Jubada Dhexe

11 qof ayaa u geeriyooday abaaraha ka jira gobolka Jubada Dhexe xilli ay sii kordheeyaan kuleelaha iyo biya la’aanta ka jirta meela badan oo Jubaland ka mid ah.

Waxaa sidoo kale sii kordhaya saameynta iyo waxyeellada abaaruha ay sababayaan, ayada oo qeylo dhaan xooggan ay kasoo yeereyso deegaano badan.

Gudoomiyaha gobolka Jubada Dhexe ee maamulka Jubaland Haajir Bille Sugaal, ayaa sheegay in meelaha ugu daran ee abaartu ay saameysay ay kamid yihiin Degmooyinka Bu’aale, Saakow Salagle iyo deegaanada hoos-taga.

Halkaan Hoose ka dhageyso Wareysi uu VOA-da siiyay Guddoomiye Haajir.