Hot Topics

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Musharixiinta oo kulankii 3-aad yeelanaya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble, iyo Midowga Musharixiinta ayaa markii saddexaad kulan ku yeelanaya magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ah mid lagu gorfeynayo doorka midowga Musharixiinta ee arrimaha doorashooyinka, ayaa caawa ka dhacaya Hotelka Decale ee magaalada Muqdisho, sida uu bartiisa Twitter-ka ku shaaciyay Af-hayeenka Xukuumadda xil-gaarsiinta ah Maxamed Ibraahim Macalimuu.

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Musharixiinta oo horey labo kulan ugu yeeshay Muqdisho ayaa heshiis ka gaaray tabashadii midowga ee la xariirtay weerarkii 19-kii Febaraayo lagu qaaday Musharixiinta.

Kulanka ayaa kusoo aadaya xilli uu fashilmay kulan uu iclaamiyay Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday Farmaajo, kaas oo uu ugu baaqay Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada, si uu u carqaladeeyo Wada-hadalada Ra’iisul Wasaaraha iyo midowga Musharixiinta, kaddib markii ay iska diideen Puntland iyo Jubbaland.