Hot Topics

Midowga Musharixiinta “Farmaajo wuxuu dalka u horseeday in Xalane la maciin bido”

Midowga Musharixiinta ayaa qoraal ay soo saareen uga hadlay xaalada cakiran ee Dalka, gaar ahaan Amni-darada sii kordhaysa iyo baaritaanka cudurka COVID-19.

Midowga Musharixiinta ayaa si adag u cambaareeyay Weerarkii xabsiga Magaalada Boosaaso, Qaraxii Maqaayada Luuley Yamani ee Muqdisho iyo Madaafiicdii shalay lagu garaacay Xerada Xalane ee saldhiga u ah Beesha Caalamka, waxaana ay eedeymo kulul u jeediyeen Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Akhriso Qoraalka kasoo baxay Midowga Musharixiinta.