Hot Topics

Madaxweyne Deni “Cismaan Buux Cali, wuxuu ahaa masuul usoo shaqeeyay dadka reer Puntland”

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa ka tacsiyeeyay geerida AUN Marxuum Cismaan Buux Cali, oo maanta ku geeryooday Magaalada Qardho ee xarunta Gobalka Karkaar.

“Alla ha u naxariisto Cismaan Buux Cali, wuxuu ahaa masuul usoo shaqeeyay dadka reer Puntland, isagoo soo noqday duqa degmada Qardho iyo Agaasimaha dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland. Waxaan u tacsiyeynayaa ehelkiisii iyo qoyskiisii, marxuumka waxaan alle uga baryaya inuu janadii geeyo aamiin”.