Hot Topics

Sawirro: Olole lagula dagaalamayo Cudurka Duumada oo laga bilaabay Gobolka Sanaaag

Wasarada caafimaadka qaybteeda la dagalanka cudurka duumada oo kashaneysaa hay’ada caafimaadka aduunka (WHO) ayaa ka biloowday buufinta kaneecada meelaha halista ugu jira in uu Cudurka duumadu ka dilaaco ee gobolka Sanag.

kooxaha buufinta ayaa la siiyay tababar labo maalmood ah , ayadoo ujeedadu tahay kahortaga duumada iyo cudurada kale ee Kaneecadu faafiso, Waxaana Ololahan oo socon doona muddo 17maalmood ah ayaa laga fulin doonaa degaanada
Midigar, Cawsane, Lako, Rad ,Gumar
Cowsane iyo tuulooyin kale oo ka tirsan Gobolka Sanaag, iyadoo la buufin doonaa 10kun oo Guri oo ay ku nool yihiin 60kun oo qof oo degaanadaas degan.