Hot Topics

QoorQoor oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor, oo dhowaanahan ku maqnaa Dalka Turkiga ayaa saaka soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Xubno kamid ah Labada Gole ee DFS, Maamulka Gobalka Banaadir iyo Masuuliyiin kale ayaa kusoo dhaweeyay Madaxweyne Qoorqoor garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

QoorQoor ayaa si deg deg ah uga soo amba-baxay xalay Dalka Turkiga oo muddooyinkii ugu dambeeyay uu ku joogay Dalxiis, kaddib markii digniin adag ay u dirtay Beesha Caalamka isaga iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicaziiz Maxamed Xasan Lafta-garee, laguna amray inay si deg deg ah u yimaadaan.

Magaalada Muqdisho ayaa la filayaa in maalmaha soo socda uu ka furmo Shir u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Gobaleedyada, ayna garwadeen ka tahay Beesha Caalamka, kaas oo go’aan looga gaarayo Doorashooyinka Dalka.