Maxaa kasoo baxay Kulankii Qoorqoor, Guudlaawe iyo Musharixiinta ? (VIDEO)

Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor & Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa kulan kula qaatay xalay Muqdisho Midowga Musharixiinta.

Kulanka oo ahaa mid saacado qaatay ayaa looga hadlay Arrimaha Doorashooyinka Dalka iyo Shirka DFS iyo Dowlad Gobaleedyada ee maalmaha soo socda ka furmaya Magaalada Muqdisho.

Midowga Musharixiinta ayaa la wadaagay QoorQoor iyo Guudlaawe in aysan u dulqaadan doonin in Dowlad Gobaleedyada ay kasoo jeedaan aysan matalin Siyaasad ahaan Bulshada deegaanadooda iyo kuwa Guud ee Soomaaliya, isla markaasna ay noqdaan u olaleeyayaasha Farmaajo.

Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle ayaa u sheegay Midowga Musharixiinta inay Farmaajo ula socdaan culeys ka heysta deegaanadooda, ayna u baahan yihiin in la siiyo fursad ay isku mujiyaan.