Hot Topics

Maxaan kala soconaa Musuqa Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Puntland ?

Wasiirka,ku xigeenkiisa,Agaasimaha Guud iyo dhamaan Agaasime waaxeedyada Wasaaradu waxay qayb ka yihiin Musuqa.

Wasaaradu waa mid ka mid ah Afarta ugu qaalisan Wasaaradaha Puntland marka lagu qiimeeyo dakhliga soo gala.

Sanadkii waxay toos umaamushaa labo ilaa Sadex Milyan oo dolar oo uga yimaada deeq bixiyayaasha.

Tusaale”

Talaalka Sanad walba laba jeer,ayuu yimaadaa,waxaana ku baxa dhaqaae gaaraya 1-Milyan.

Gaari walba oo kiro la siiyo waxaa lagala haraa boqolkiiba Sodon narka maalinkii ay uqoran tahay 80$.

Dhakhaatiirta iyo shaqaalaha kale ee qaada Talaalkaas waxaa laga jartaa 20$ Lacagtooda markay tahay 30$ maalinkii.

Intaas waxaa sii dheer Gawaarida iyo Shaqaalaha waxaa intooda badan lagu soo xulaa qabiil,ehelnimo,Sxb-tinimo iyo awood qaybsiga masuuliyiinta.

Dawada Talaalka inteeda caaqibada leh looma gudbiyo Xoolaha ee waxaa laga iibsadaa Farmashiyaasha.

Calafka Xoolaha oo deeq lagu helo waxaa si gaar ah uqaata Maxamuud Shido oo calaa xirmo ku iibiya 1340$, xiligan.

Musuqa Wasaaradu mahan wax lasoo koobi karo,waxaana idinku soo gudbin doonaa qoraalo kale qaybaha haray.

Si gaar ah waxaan idinla wadaagi doonaa cododka Gaadiidley ka cababaya eex iyo musuq.

Waxaan ka codsanaynaa cid walba oo lagu dhibaateeyay Wasaaradaas in ay nala soo xiriirto.

Jibril Qoobey