Puntland oo dayactir ku sameynaysa Maxkamadda Gobalka Sanaag (VIDEO)

Degmada Badhan oo ka tarsan Gobolka Sanaag ayaa nasiib u yeelatay in laga dhagax dhigo Maxkamada Gobolka, Bulshaduna ay baahi wayn u qabeen.

Xarunta Maxkamada waxaa dhagax dhigay Wasiirka Wasarada Maaliayada, Wasiirka Wasaaradda Amniga, Taliyaha Ciidamada daraawiishta, Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiillada, Gudoomiyaha Gobolka ,Duqa Dagmada iyo ku xigeenkiisa.

Xaruntan ayaa ah mid dib uhabayn lagu samayn doono waxana ay horay u haan- jirtay dhismihii hore ee Maxkamadii ay degmada Badhan ka hirgelisay dowladii dhexe ee Soomaaliya taasi oo dibu-dhis iyo qalabayn lagu samayn doono.

Ugu dambayntiina mas’uuliyiinta dawladda Puntland ayaa kormeeray xarunta dowladda hoose ee magaalada Badhan oo dibu-dhis xoogani ku socdo iyo xarunta Gobolka sanaag.