XOG: Maxaa looga hadlay kulankii maanta ee Madaxweyne Deni iyo James Swan ?

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Saciid Cabdullaahi Deni iyo Wakiilka Qaramada Midoobay James Swan, ayaa maanta markii labaad kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlay marxalada Dalka iyo Shirka DFS iyo Dowlad Gobaleedyada ee Teendhada Afisyooni.

Wakiilka QM ayaa ku amaanay Madaxweyne Deni doorkiisa ku aadan xaalada Dalka, iyo dulqaadka uu muujiyay mudadii uu joogay Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, Danjire James Swan ayaa ka dalbaday Madaxweynaha Puntland in aysan ka jawaabin fariintii marin habaabinta aheyd Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Mohamed Abdullahi Farmaajo, maadama la ogyahay cida Shirka qaban-qaabisay, sidoo kalena damaanad qadaysa fulinta qodobada lagu heshiiyo inay tahay Beesha Caalamka.

Madaxweynaha Puntland ayaa dhankiisa ku amaanay Beesha Caalamka garab istaagooda ku aadan Dowlad dhiska Soomaaliya, iyo in Soomaaliya laga gudbiyo waqtiga adag ee ay ku jirto, isagoo aqbalay dalabka Wakiilka ee ah in aysan u jawaabin Farmaajo.

Idilnews