Wasiir Abgaal “Reer Puntland ma diidana Soomaalinimo” (VIDEO)

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Xasan Shire Abgaal, oo la hadlayay Boqolaal kamid ah Shacabka degmadda Badhan ee Gobalka Sanaag, ayaa ka jawaabay su’aal laga weydiiyay Hanaanka Federaalka Soomaaliya iyo nooca Puntland ay doonayso.

Wasiir Abgaal ayaa sheegay in dadka Reer Puntland aysan diidaneyn Soomaalinimo, balse ay doonayaan Dowladnimo baahsan oo qof kastaa meesha uu joogo uu ku helayo adeega dowliga ah.

“Qof Reer Puntland ah Somaalinimo waan rabaa, laakiin waxaan Soomaalinimo ku rabnaa Badhan oo nool oo jirta oo wax walba heysata, oo Xamarna heysato, Afgooyana heysato, Jowharna heysato yaan ku rabnaa” ayuu yiri Wasiir Xasan Abgaal.

Idilnews