Hot Topics

XOG: Wakiillada QM iyo Mareykanka oo digniin adag siiyay xalay Farmaajo

Wakiillada Qaramada Midoobay iyo Mareykanka oo khadka Taleefoonka xalay kula hadlay Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS ayaa u sheegay in ay dhamaatay waqtigii Soomaalidu ay laheyd go’aan ka gaarista Arrimaha Doorashooyinka.

Safiirka Mareykanka Donald Yammamoto, ayaa u sheegay Farmaajo inaan loogu dulqaadan doonin caqabadaha uu ku wado go’aan ka gaarista Arrimaha Doorashooyinka Dalka, uuna ka waantoobo, sida ay ilo-dublamaasiyadeed ay u sheegeen idilnews

Danjire Yammamoto ayaa sheegay in Mareykanku uu go’aano aan la mahdin doonin iyo tilaabooyin adag uu ka qaadi doono, kuwa diidan gogasha Saaxiibada caalamka ay dhigeen Muqdisho, isagoona ugu baaqay in Farmaajo in isaga iyo xulufada ku xeeran ‘QoorQoor, Laftagareen & Guudlaawe’ ay soo xaadiraan Shirka Teendhada Afisyooni, ayna iyagu yihiin cida go’aaminaysa Heshiiska Doorasho ee Soomaalida iyo korjoogtada fulinta heshiiska.

Sidoo kale, Safiirka Qaramada Midoobay James Swan ayaa Farmaajo u sheegay inay fahansan yihiin in cida xagal daacinaysa Shirka ay u qabanayaan Hoggaamiyayaasha Soomaalida uu isaga yahay, waxaana uu xusay in Saaxibada caalamku qaadan doonaan go’aan aan farxad galin doonin, hadii uusan si deg deg ah ugu hoggaansamin soo jeedintooda.

Madaxweynaha muddo-xileedkeedu dhamaaday ee DFS Mohamed Abdullahi Farmaajo ayaa mudada wada-hadalku socday ka cowday Madaxweynayaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni, oo uu ku eedeeyay inuu isagu yahay cida hortaagneyd fulinta Heshiiskii Doorasho ee 17-kii September, wallow Safiiradu ay u sheegeen in aysan iyagu aheyn kuwa loo tilmaamayo cida heshiiskaas ka socon waayay.

Idilnews