Wasiir Jaamac “30 goobood oo kamid ah Puntland ayuu ka bilaaban tallaalka COVID-19” (VIDEO)

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Dr. Jaamac Faarax Xasan, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa ku dhawaaqay in tallaalka cudurka COVID-19 ee (AstraZeneca), laga bilaabayo deegaanada Puntland 27 bishan Maarso.

Wasiir Jaamac ayaa sheegay in tallaalku uu ka bilaaban doono 30 goobood oo katirsan deegaanada Puntland, iyadoo lagu bilaabayo Shaqaalaha safka hore ku jira, sida shaqaalaha Caafimaadka, Ciidammada Booliska iyo Asluubta, macalimiinta, shaqaalaha Kastamyada canshuuraha iyo suxufiyiinta.

Dr. Jaamac Faarax Xasan, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa xusay in tallaalkan oo socon doona muddo 10 maalmood ah uusan laheyn wax dhibaato ah, lana hubiyay, isagoona ugu baaqay Shacabka Puntland inay qaataan tallaalkan.