Hot Topics

Madaxweynaha Puntland oo cafis u fidiyay Wariye Kilwe Aadan

Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa cafis Madaxweyne u fidiyay Wariye Kilwe Aadan oo muddo bilo ah ku jiray xabsiga Garoowe, kaddib markii lagu helay dambiyo ay kusoo ogeen Xeer ilaalinta Puntland.

Hoos ka Akhriso wareegtada cafiska Madaxweynaha.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr.13 Maarso 22, 2021, kuna saabsan fidin Cafis Gaar ah.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad farqadiisa 11aad

Markuu arkay: Qodobka 149-aad. ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa cafis Madaxweyne oo gaar ah loo fidiyey Xukumane Kilwe Aadan Faarax

Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

DHAMMAAD

Idilnews