Deni iyo Axmed Madoobe oo kulan la leh Safiirka Mareykanka & Shirkii oo la hakiyay

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland H.E Said Abdullahi Deni iyo H.E Ahmed Mohamed Islaam, ayaa kulan la leh Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto, kass oo looga hadlayo caqabadaha hor-taga inuu furmo Shirka Hoggaamiyayaasha Soomaalida ee go’aan ka gaarista Arrimaha Doorashooyinka Dalka, ayna garwadeenka ka tahay Beesha Caalamka.

Sidoo kale, Safiirada Qaramada Midoobay iyo Mareykanka ayaa ku wargaliyay Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Mohamed Abdullahi Farmaajo iyo xubnaha taageersan in la hakiyay Shirka ka furmi lahaa Teendhada Afisyooni oo ay ku sugan yihiin, inta laga xalinayo tabashada Madaxda Puntland iyo Jubbaland.

Idilnews