Hot Topics

Cabdiraxmaan Cabdishakuur “Farmaajo doorasho lala galo ma taalo ee waa in la iska kiciyaa”

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS inuu xirtay saaka waddooyinka muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in Farmaajo uusan dooneyn doorasho, ayna tahay la iska qabto.

“Farmaajo maanta wuxuu wadooyinka u xiray in uu 15 Xildhibaan Golaha Shacabka ka celiyo. Habeenkii iyo maalintii 19 Febraayo wuxuu weeraray ragii la tartami lahaa. Ragii ay talada kala dhaxaysana naftooda ayey ku aamini waayeen oo hubkooda ayey la soo degeen, Xalane way degeen. Xigtadiisa iyo saaxibadiina sidaa ayey halyeynimo u arkaan, waana  ku taageersan yihiin. Ninkaas doorasho lala galo ma taalo ee waa in uu dalka xoog ku haystaa ama la iska kiciyaa.”