Qarax ka dhacay Muqdisho

Askar katirsan ciidanka dowladda ayaa ku dhaawacmay Qarax Miino oo daqiiqado ka hor ka dhacay agagaarka xaafada Daarusalam ee Muqdisho.

Gaari Kaarib ah oo ay saarnaayeen Ciidammo ka tirsan kuwa Taraafikada ayaa loo dhigay Qaraxa, waxaana la sheegay in ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 4 Askari.