Hot Topics

Waddooyinka Muqdisho oo maanta xiran (Sawirro)

Wadooyinka waaweyn ee caasimada dalka Muqdisho ayaa saaka xiran iyadoo wadooyinka qaar lagu gooyay gaadiid dagaal oo ay leeyihiin ciidamada Booliska.

Wadooyinka la xirey ayaa waxaa ka mid ah wadada Maka Al Mukarramah iyo Jidka Wadnaha, sidoo kale waxaa Ciidammo fara-badan lagu soo daadiyay waddooyinka Madaxtooyada.

Dadka saaka goobahooda shaqo u kalahayay ayaa lugeynaya iyadoo wararku ay sheegayaan in loo xirey wadooyinkan kulanka golaha shacabka uu maanta yeelanayo.

Warqado ay ku qoran yihiin magacyada 15 xildhibaan oo laga ganaaxay kulamada.