Hot Topics

Dhismaha wadada bartamaha Burtinle oo gaba-gabo mareysa (Sawirro)

Dhismaha Wadada dhexmarta Degmada Burtinle ee Gobalka  Nugaal ayaa meel gaba-gabo ah mareysa, iyadoo haatan laami saarista loo diyaariyay 400-M oo ah qeybtii ugu dambeysay.

Wadada ayaa waxaa si isku-tashi ah u hirgaliyay Shacabka degmada Burtinle oo kaashanaya Mashruuca hormarinta degmooyinka ee JPLG iyo Dowladda Puntland, waxaana sidoo kale qeybta cusub ee dhameystirka ah ku deeqay Shirkadda Kaberco oo dhisaysay Wadadan.

Dowladda Hoose ee Degmada Burtinle ayaa sheegtay inay dhowaan bilaaban doonto dhismaha laamiyada u leexda xaafadaha Magaalada, kuwaas oo qeyb ka ah Mashruuca JPLG.

Idilnews