Hot Topics

Puntland cambaareeysay muddo kordhinta loo sameeyay Farmaajo

Madaxtooyada Puntland ayaa si adag uga hadashay talaabadii maanta ay Golaha Shacabka Baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday muddo kordhinta ugu sameeysteen iyaga iyo Farmaajo, waxaana ay tilmaamtay inay ka qaadan doonto mowqif adag.

Qoraal uu bartiisa Facebook ku daabacay Af-hayeenka Madaxtooyada Puntland ayaa lagu yiri “Dowladda Puntland ee Somaliyed waxay ka xuntahay tillaabadii sharci darrada ahayd ee Aqal hoose ee Baarlamaanka muddo xileedkiisu dhammaaday maantay qaaday. Dowladda Puntland dib ayey Ummadda Soomaaliyeed kala soo wadaageysaa mowqifkeeda ku aadan dhacdadii maantay.”