Oomaar oo iska diiday Wasaaraddii cusbeyd ee loo magacaabay

Wasiir Maxamed C/llaahi Oomaar, oo shalay laga qaaday Wasaaradda Duulista Hawada ayaa iska diiday xilkii loo bedelay ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS.

“Anigoo Jecel inaan u shaqeeyo waddankayga hooyo, suuragal iima aha xilligan inaan qabto shaqada muhimka ah ee la ii magacaabay. Sidaa aawgeed waxaan Ka cudur daaranayaa qabashada xilkaa muhiimka ah. Duruufo qoys iyo kuwo shakhsiyadeed ayaan ii saamaxaynin inaan hawshaa galiyo tamarta, wakhtiga iyo firfircoonida ay u baahan tahay masuuliyaddan baaxadda weyn.”