Hot Topics

Taliyayaasha Amniga Muqdisho oo Isbedel lagu sameeyay

Is bedel iyo isku shaandheyn ayaa lagu sameeyay qaar ka mid ah Taliyeyaasha Saldhigyada Booliska degmooyinka Gobolka Banaadir, Taliye qeyb iyo labo ka mid ah Taliye kuxigeenadi qeybta guud ee Gobolka Banaadir.

Qaar ka mid ah taliyaasha saldhigyada degmooyinka gobolka ayaa la isku bedelay halka kuwa kalana xilka laga qaaday.

Is bedeladan ayaa ka dambeeyay kaddib markii dhowaan xilka laga qaaday Taliyihii Booliska Gobolka Banaadir Jen. Saadaq John, iyadoo taliyaashana laga shakiyay inay gacan saar la leeyihiin Saadaq John.

Magaalada Muqdisho ayaa xaalad kale gashay kadib markii xilka laga qaaday taliyihii ugu awooda badnaa booliiska gobolka Banadair Saadaq Joon, kaas oo ciidamo badan iyo gaadiid dagaal ay daacad u yihiin.