Hot Topics

Qoysaska Yamaniyiinta Magaaladda Qardho oo deeq raashin ah la gaarsiiyay (Sawirro)

Wasaaradda Arimaha Gudaha Puntland oo kaashanaysa Hay’adda Iskaashigga Islaamka ayaa deeq raashin ah oo ka timi Dalka Sacuudigga gaarsiisay 100 qoys oo ka mid ah qaxootigga yamaniyiinta ah ee ku nool Magaaladda Qardho.

Raashinkaan ayaa loogu talla-gallay in ay ku afuraan bisha barakaysan ee Ramadaan, waxaana qaybinteedda goob-joog ka ahaa Duqa Degmadda Qardho Cabdi Saciid Cismaan, Agaasimaha Waaxda Masiibooyinka Wasaaradda Arimaha gudaha Puntland Cawil Buule iyo Saraakiil ka socota Hay’adda Iskaashigga Islaamka.

Deeqdaan ayaa ka kooban bur, bariis, Sonkor, Saliid, Caano, Timir iyo sharaab.