Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka hadlay dagaaladii ka dhacay Muqdisho (VIDEO)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay dhibaatadii ka dhacday Muqdisho ee lagu khalkhal gelinayay amniga iyo nabadda ee magaalada Muqdisho, isagoo faray Ciidamada Amniga inay waajibaadkooda Qaran gutaan oo ay dhowraan amniga shacabka iyo ka hortagga wax kasta oo dhibaato keeni karta.

“Waxaa farayaa cid walba in nabadda la ilaaliyo oo la wada dhowro, bulshadana loo turo, dowladdu waxay aaminsan tahay in wada hadal iyo is afgarad uu yahay jidka ugu habboon ee wax kasta lagu xalin karo, howshaas oo aan bilaabay anigoo rajeynaya in aan ku guuleysanayo, waxaan ugu baaqayaa shacabka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan inaan ka wada shaqeyno xasilloonida iyo nabadgelyada dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho.” Ayuu yiri Rooble