Hot Topics

C/raxmaan C/shakuur “Farmaajo waxaan ugu baaqaya inuu qaato go’aan geesinimo leh” (VIDEO)

Musharax Madaxweyne Abdirahman Abdishakur Warsame, oo Shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa soo dhaweeyay go’aanka Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle kaga horyimaadeen muddo kordhinta Farmaajo.

Abdirahman Abdishakur Warsame ayaa ugu baaqay Mohamed Abdullahi Farmaajo inuu qaato go’aan geesinimo leh qaato, uuna is casilo, intii uu qalalaase hor leh uu dalka u horseedi lahaa.

“Waxaan ugu baaqay Mohamed Abdullahi Farmaajo inuu go’aan geesinimo leh qaato, khudbada uu jeedinaya uu ka dhigto tii ugu dambeysay, intii uu kasii talin lahaa qalalaase kale” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.