Hot Topics

Xasan Sheekh “Nin careysan oo qiilan, oo cuqdad qabaa Ummad ma hoggaamiyo ” (VIDEO)

Madaxweynihii hore ee Dalka Hassan Sheikh Mohamud, yaa soo dhoweeyay go’aankii Dowlad Gobaleedyada Hirshabelle, Galmudug iyo Ra’iisul Wasaaraha xil-gaarsiinta Mohamed Hussein Roble ay ka gaareen siyaasadda cakiran ee doorashooyinka dalka, ayna kaga horymimaadeen muddo kororsiga Farmaajo.

Hassan Sheikh Mohamud, oo shir jaraa’id qabtay ayaa ugu baaqay Shacabka ka barakacaya magaalada Muqdisho inay muujiyaan deganaan, ayna guryahooda joogaan, waxaana uu tilmaamay in aysan dooneyn inay colaad ka shaqeeyaan, horayna aan loogu aqoon.

Hassan Sheikh ayaa intaas ku daray “4 sanno kahor ayaan dadka Soomaaliyeed ku iri dadka xilka iyo mas’uuliyadda loo dhiibayo Taariikh-doodii hore ha baaro, hadana waan ku celinayaa”.