Hot Topics

Farmaajo oo bilaabay inuu Ciidankiisa gaarka ah kusoo daabulo Muqdisho

Hoggaamiyaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee Villa Somalia Mohamed Abdullahi Farmaajo, ayaa bilaabay inuu Magaalada Muqdisho dib ugu soo celiyo Ciidanka gaarka u ah ee Haramcad, kuwaas oo si toos ah uu u maamulo Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin.

Diyaarad gaar ah ayaa saaka Magaalada Beledweyne kasoo qaaday Ciidammo gaaraya 100 Askari, kuwaas horey loo geeyay Beledweyne, si ay u caburiyaan shacabka Gobalka Hiiraan ee kasoo hor-jeeda Maamulka Hirshabelle ee uu hoggaamiyo Cali Guudlaawe, oo Fahad Yaasiin uu ka dhigay Madaxweyne.

Shalay ayay aheyd markii sidan oo kale aya dib Muqdisho loogu soo celiyay Ciidamada Booliiska Haramcad ee joogay deegaanada Galmudug.

Warar aan helayo ayaa sidoo kale sheegay in Saacadaha soo socda in Farmaajo iyo Fahad ay Muqdisho kusoo celin doonta Ciidamada Haramcad ee ku sugan deegaanada Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed, si ay isugu difaacaan.

Farmaajo ayaa looga itaal roonaaday dagaalo ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxaana Ciidammadiisa laga qabsaday Isgosyo muhiim ah oo ku yaalla Muqdisho, Ciidanka mucaaradka ayaana haatan kulaalaya hareeraha Madaxtooyada.