Puntland oo ugu baaqday Beesha Caalamka qabashada Shirka dhameystirka heshiiskii 17-kii September

War-saxaafadeed War-saxaafadeed baxay Madaxtooyada Dowladda Puntland ayaa loogu baaqay Beesha Caalamka inay diyaariso shir ku saabsan Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya, kaas oo dhexmara dhinacyada siyaasadd dalka.

War-saxaafadeedkan oo Puntland kusoo mowqifka Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle ayaa loogu baaqay Wakiilada Beesha Caalamka, in ay qaataan doorka diyaarinta shir lagu dhammaystirayo heshiiskii 17-kii September, si dalka looga qabto doorasho nabdoon oo wadar-ogol ah.

“Dowladda Puntland waxay bogaadineysaa kaalinta Beesha Caalamka, waxayna ugu baaqeysaa wakiilada Beesha Caalamka in ay qaataan doorka diyaarinta shir lagu dhameystirayo heshiiskii 17 September, si dhaqso Dalka looga hirgaliyo doorasho nabad ah, wadar oggolna ah.”