Farmaajo khudbadiisa waxay dhibaateysay Rooble, Qoorqoor, iyo Guudlaawe!!

Fariintii ka timid hogaamiye kooxeedka soo daahay cida kaliya ee ay wax yeeshay waa Ragan siyaasada ku matala Beesha Hawiye.

Sida ay uhadleen xalay iyo fariinta uu ka daba keenay waxay isku ahaayeen lid.

Odoyaashu waxay isku muujiyeen masuuliyiin dadkooda udiir naxay oo matalaad dhab ah u istaagay.

Balse Farmaajo waxuu muujiyay in uu hadalka isagu usoo dhiibay qorshaha guudna lagu wada socdo muhiimaduna ay ahayd Hawiyaha israacay ee soo jeestay in biyo qabow lagu shubo.

Ragan sadexda ah,gaar ahaan Rooble oo haysta fursad siyaasiya,ayaa la ogaan doonaa waxa uu noqdo ama jihada uu aado.

Rooble waa dhiidhiyi doonaa ama waxuu haysan doonaa Naynaastii maalmahan u baxday ee “Lahelow”.

Qoor-qoor iyo Guudlaawe fursadii ay is yiraahdeen ka faa’idaysta xalay waxaa soo cimri gaabiyay oo ka adeegtay Farmaajo hadana wax badan oo ka daba tag ah lagama filan karo.

Jibril Qoobey.