Hot Topics

XOG: Maxaa looga hadlay kulankii CC Warsame, Deni, Qoorqoor iyo Laftagareen ?

Musharax Madaxweyne Abdirahman Abdishakur Warsame ayaa xalay kulan gaar ah oo albaabadu xiran yihiin xalay la qaatay Madaxweynayaasha Puntland H.E Said Abdullahi Deni, Galmudug Ahmed Abdi Kaarie iyo Koonfur Galbeed Madaxweyne Cabdicaziiz Laftagareen.

Kulanka oo ka dhacay Hotelka peace ayaa waxaa qabanqaabadiisa lahaa Madaxweynaha Galmudug Ahmed Abdi Kaarie, waxaana uu ahaa mid Madaxweyne Qoorqoor uu fursad siyaasadeed ugu abuurayay C/raxmaan C/shakuur.

Waxaa durbaba muuqata inuu bilowday ololaha doorashada iyo sameynta isbaheysiyo siyaasadeed oo xilligan oo kale si hoose u bilaaban jiray.

Waxaa jirta in Madaxda Maamul goboleedyada qaarkood iyo Midowga musharixiinta ay wadaan is xulafeysi siyaasadeed, maadaama la galayo waqti doorasho, isla markaana muhiim ay tahay in la midoobo.