Hot Topics

Dad lagu dilay weerar ka dhacay magaaladda Dhuusamareeb

Saddex Ruux ayaa ku dhintay weerar ay xalay ku qaadeen dabley hubeysan oo ku labisan dharka Ciidanka, maqaaxi ku taalla bartamaha magaaladda Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Dadka dhintay ayaa ahaa ganacsato caan ka ahaa magaaladda Dhuusamareeb, kooxdii weerarka geysatay ayaana goobta isaga baxsaday. Ciidanka Booliska Galmudug oo goobta gaaray ayaa ilaa hada wada baaritaano lagu raadinayo dableyda dilka geysatay.

Qoraal kasoo baxay Maamulka degmadda Dhuusa-mareeb ayaa lagu sheegay inay Ciidanka Amnigu ku dabajiraan kooxdii dilka ka dambeysay.

“Waxaan bulshada deegaanka u sheegayaa in falkaa wuxuushnimada ah dadkii gaystay hay’adaha amnigu kuraadjogaan,cadaaladana lahorkeeni doono sida ugu dhaqsiyaha badan hadii alle idmo.” ayuu lagu yiri qoraal uu soo saaray Afhayeenka Caasimadda Galmudug Maxamed Salaad (Sanka).