Imaaraadka oo loo doortay xubin ka tirsan Golaha Ammaanka ee QM

Golaha Guud ee QM waxay 179 cod ugu doorteen Imaaraadka Carabta xubin aan Joogto ahayn ee Golaha Ammaanka ee QM  ee sanadaha 2022-ka ilaa 2023-ka.

Kulankii 75-aad ee Golaha Guud ee QM  ee Maanta oo Jimco ah yeesheen Fadhi qarsoodi ah oo lagu doortay 5 Xubnood oo cusub ee xubnaha aan Joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee QM ee sanadaha 2022 ilaa 2023, iyadoo Dowladda Imaaraadka Carabta u sharxanayd Kursiga Kooxda dowladaha Qaaradda Aasiya iyo kuwa ku xeeran Badweynta The Pacific Ocean.

Dowladda Imaaraadka waxay Kursiga xubin aan Joogto ahayn ka noqotay Golaha Ammaanka ee QM  sanadkii 1986-dii ilaa 1987-dii.

Dhinaca kale,  dalalka Albania, Brazil, Gabon iyo Ghana ayaa iyagana loo doortay Xubnaha dalalka aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee QM ee sanadaha 2022-ka ilaa 2023-ka.