Hot Topics

Wasiirka Amniga Jubbaland oo booqday jiidaha dagaalka (Sawirro)

Wasiirka Amniga Dawlad Goboleedka Jubbaland Jeneraal Yuusuf Xuseen Cusmaan (Dhuumaal) ayaa kormeer uu ugu kuur galayay xaaladda iyo habsami u socodka howlaha difaaca ku tagay deegaannada Buula Guduud iyo Baar Saanguuni halkaas oo ay fariisimo ku leeyihiin ciidamada Daraawiishta Jubbaland iyo kuwa Xoogga Dalka.

Wasiirku wuxuu halkaa kulamo is xog waraysi ah kula yeeshay saraakiisha iyo ciidammada ku sugan jiidda hore una heellan difaaca dhiiga, hantida iyo sharafta shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu Wasiir Jeneraal Dhuumaal ciidammada uga mahad celiyay dhabar adayga iyo daacadnimada ay ku gutaan waajibaadkooda shaqo isaga oo ballan qaaday in socdaalkiisan uusan ahayn mid mar kaliya ku kooban balse uu si joogto ah ula socon doono si shakhsi ahna mar walba uga war hayn doono xaaladaha ciidamada qaybohooda kala duwan.