Hot Topics

Ra’iisul Wasaare Rooble oo ku wajahan magaladda Kismaayo

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mohamed Hussein Roble ayaa maalmaha soo socda ku wajahan magaaladda Kismaayo ee xarunka KMG ah ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland.

Rooble ayaa kulanka kula yeelan doona magaaladda Kismaayo Madaxweynaha Jubbaland H.E Ahmed Mohamed Islaam, kaas oo ay ka wada-hadli doonaan waxa ilaa hada ka qabsoomay heshiiskii Arrimaha Doorashooyinka, gaar ahaan qodobadii la xariiray arrimaha Gobalka Gedo.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Idilnews, in Ra’iisul Wasaare Rooble uu safarkiisa uga gol lee yahay waqti lumin iyo in uu si jiitamo waqtiga doorashada. Wararka ayaana intaas ku dari doona in Rooble uu tagi doono dhamaan caasimadaha Dowlad Gobaleedyada.

Idilnews