Hot Topics

Puntland iyo Save The Children oo ka wada-hadlay caawinta Dadka taagta daran (Sawirro)

Wasiirka wasaaradda qorshaynta, horumarinta dhaqaalaha iyo iskaashiga caalamiga ah, Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xange oo uu wehelayo Agaasimaha guud ee wasaradda Sharmaake Xasan Cali ayaa saaka kulan la qaatay masuuliyiin ka socday Hay’adda Save the Children.

kulanka ayaa ujeedadiisu daarnayd caawinta dadka taagta daran.
mashruuca wayn ee ILED oo uu maalgaliyo midowga yurub qaybtiisa caawinta dadka taagta daran ayaa waxaa Puntland ka fulin doonta Hay’adda Save the Children.

Intii uu kulanku socday ayaa laga wada hadlay sidii shaqadda Save the Children loo waafajin lahaa qorshayaasha hormarineed ee dhinaca caawinta dadka taagta daran ee dawladda Puntland u degsan.