Maxaa looga hadlay Shirka Golaha Wasiirada Puntland ee maanta ? (VIDEO+Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Shir-Guddoomiyay Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada Dowladda Puntland.

Shirka Golaha Wasiirada oo uu ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cimi Cismaan Karaash, waxaa todobaadkan looga hadlay Amniga, Dhismaha Marsada iyo Suuqa Boosaaso iyo warbixinta qorshaha horumarinta Puntland sida qiimeynta iyo dabagalka mashaariicda horumarin.

Idilnews