Hot Topics

Antony Blinken: Waa in sida ugu dhaqsiyaha badan loosoo gaba-gabeeyay doorashada Soomaaliya

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa ugu baaqay Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada inay sida ugu dhaqsiyaha badan una macquulsan u soo gabagabeeyaan hannaanka doorashada Soomaaliya, maalin kaddib markii Golaha Wadatashiga Qaran ay soo saareen jadwalka hannaanka doorashada Soomaaliya.

Antony Blinken ayaa soo saaray fariin ku aadan hambalyada maalinta xornimada ee 1-da Luulyo, isagoo ugu baaqay dhammaan Madaxda inay sii wadaan wada shaqeynta, si ay u suurta gasho soo gabagabeynta hannaan doorasho daah furan, nabad ah oo loo dhan yahay.

Mareykanka ayaa si weyn u diidanaa muddo kordhintii labada sano ee Baarlamaanka u sameeyay Madaxweyne Farmaajo, waxaa uu aad ugu cadaadinayay Madaxda Soomaalida inay gaaraan doorasho heshiis lagu yahay, si aanay u burburin dimoqraadiyada curdunka ah iyo xukun isku wareejintii Soomaaliya ka hirshay tobankii sano ee la soo dhaafay.