VIDEO: Baarlamaanka Puntland oo Ansixiyay Xisaab-xirka 2020 (Sawirro)

Fadhiga 9-aad ee Kalfadhiga 48-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, oo uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayna wehliyaan, Guddoomiye ku xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan & Guddoomiye xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta qabsoomay.

Fadhiga maanta waxaa soo xaadirtay 46 Xildhibaan, waxaana ajandaha fadhigu ahaa ka doodista Xisaab-xirka Sannad Maaliyadeedka 2020, taas oo Guddiga Dhaqaalaha & Xisaabaadka Golaha Wakiilladu ay kusoo sameeyeen akhriskii 2aad, iyagoo Golaha lawadaagay Warbixintooda.

Dood iyo Falanqeyn kadib waxaa Xubnaha Golaha Wakiilladu cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Xisaab-xirka 2020, iyadoo ay oggolaadeen 44 Mudane, waxaa ka aamusay 2 mudane, mana jirin cid diiday.